Faallo akhris “U SAHAMI ADOON RARIN.” W/Q: Jaabir Carab

Hordhac

Professor Ali Sheikh waxa uu wax ku bartay dalka Saudi Arabia, halkaas uu illa heerka darajarada PhD kaga qadatay culuunta shareecada, jaamacadda Madiina al-Munawar sanadahii 1973—1983. Kadib wuxuu bare ka noqday jaamacadda Malik Sucuudi sanadahii 1984 illa 1993. Dalka ayuu dib ugu soo noqday asigoo qeyb weyn ka qaatay abaabulka dib u dhiska waxabarashada dalka. Wuxuu dadaal badan geliyay asaaskii jaamacada Mogdishu asiga oo guddoomiye ka ahaa sanadkii 1997dii ilaa 2016dii. Wuxuu qoaray kutubo dhaxal gal ah oo carabi iyo soomali isugu jiro. Dr. Cali wuxuu maktabadah soomaliyeed ku darsaday qaaraan buggaag daabacan isugu jiro, taariikh waxabarasho, shareeco iyo suugaan.

Gogaldhig

Waa maxay suugaan? Af-Soomaaliga ‘Suugaan’ waxaa loo bixiyey waxa afka Ingiriiska loo yaqaan ‘literature’ afka Carabigana “آداب” Hormuudka qaamuusyada Af Ingiriisiga, sida kuwa Oxford iyo Cambridge, “literature” marka la soo koobo waxay ku micneeyaan inuu yahay qoraal leh qiime sare oo fan ahaaneed awoodna u leh inuu waaro. Qeexiddaas guud ka sokow, afafka dunida sida badan fasiraado kala duwan ayaa la siiyaa waxa loola jeedo “suugaan.”

Erayga “SUUGAAN”  waxaa lagu tilmaami karaa hadal loo dhisay si hal-abuurnimo oo ay ku dheehan tahay qurux farshaxanimo, hadalkaas oo noqon kara mid lagu tabiyey qoraal ama dhihid. Waa labada hab ee loo kala adeegsado tabinta hadalka.

Suugaanyahanada soomaliyeed deegaan walbo oo ay joogeen dadkooda ayay la garasho ahaayeen, isku si iyo isku wax ayayna suugaantoodu ka hadli jirtay. Habka loo fekero kadibna loo maansoodo waxaa ugu mudnayd tolnimada, dhac geela iyo xifaalah reerah dhexooda. Haddaba laga soo bilaabo baraaruggii bulsho ee gumeysi diidka markii uu ka curtay dalka ay soomaalinnimada cusubi abuurantay, fikirkaa dhaqan ee laga sinnaa wax weyn baa iska baddalay waana la ka la duwanaaday. Abwaano ayaa suugaantii qabylada iyo tolnimadii iska sii watay oo ku haray.  Kuwa kalena ayaa waddaniyad iyo soomaalinnimo  abuuray oo door weyn oo wacayegelin bulsho iyo suugaan dhaxal gal ah reebay. Halkaas waxaa ka dhacay isbadal dhanka fakirka oo doorar kala duwan soo maray.

Haddaba diiwaankan suugaanta Dr. Cali sheikh muxuu u gaar yahay.

Waxaa ku uruursan qaar ka mid ah maansadii Dr. Cali oo ku saabsan arrimo kala duwan oo taabanaya nolosha iyo kobcinta dareenka bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo waayo kala geddisan iyo munaasabado kala duwan uu ka tiriyay. Diiwaanka suugaanta Dr- Ali Sheikh Ahmed ee ugu magac darray “U SAHMI ADOON RARIN” runtii waa diiwaan suugaan qaayo badan ka hadalayo tarbiyadda, tacliinta, dibu heshiishinta diinta iyo fakiriga islaamka dib u dhiska dalka iyo waciygelinta bulshada. Waa diiwaan ay ku keydsan yahiin illa 71 maanso oo aad ka heleyso xikmad, aqoon, rajo umadeed.

Dhanka hibada iyo awoodda halabuurkiisu waa heerka ugu sarreeya ee soomaalida cusubi ka maansooto. Ka la duwanaanta iyo noocyada badan ee suugaanta, wax aad arkaysaa in uu ahaa maansayahan dhab ah oo suugaantiis waaqiciga dhabta ka hadaleyso. Suugaanta soomaalida wax uu ku lee yahay murti hodan ah oo maalin walba tusaale loo soo qadan karo oo ka hadalayso waano, wacdi wax sheeg babaarinta caruurta, dhismah qoyska, waxabarshda, tarbiyada caruurta. Si kale Dr. cali sheikh suugaantiis waa manhaj waxbarasho oo dhammeystiran dhan walbo oo nolosha taabaneyso ka hadashay.

Caadi ahaanba maansada oo dhowr heer soo martay maxay kaga duwan tahay suugaantaan cusub iyo nolosha cusub iyo dunidaan hormartay ee wax kasto isbadalay. Abwaan Dr. Cali sheikh waa halabuurka Soomaaliyeed kuwa ugu door-roon dhanka curinta halabuurka suugaanta arrimaha bulshada ee asaaska u ah nolosha saxda laga soo billaabo dhismaha qoyska tarbiyad, waxbarida is garab istaagga, waddaniyada, runta, deeqsnimada. kasakow awoodiisa curineed ee maansadda soomaaliga ah, waxa uu abwaanku hibo u leeyahay halabuurka curinta suugaanta maanka godliso ee doodaha waxtarka u leh bulshada soo bandhigto iyo in jiho cusub u furta doodah iyo wada hadalka aqoonta ku dhisan ayadoo afkaaraha lagu Kala duwan yahay, si cilmiyeysan lagaga doodo.

Waxqabadkii iyo shakhyasid Abwaan Dr. Cali sheikh.

Dr. Cali sheikh ummadda ku soo kordhiyay wax wax badan ka badan waxqabad qofeed. Mahadhooyinkaasi waxay ku yimaaddeen nafhur iyo hagarbax ay hoggaaminayeen hibo iyo halabuur hilaad durugsan leh, kuwaas oo xuddun u ahaa shakhsiyaddiisa. Waxa xaqiiqo ah in aan bulshada Soomaaliyeed marnaba illoobi doonin kaalintii wax ku oolka ahayd iyo waxqabadkii tilmaannaa ee Dr. Cali sheikh. Waxa kale oo hubaal ah in wax badan loo aayi doono dhaxalkii cuddoonaa ee uu ummadda afka Soomaaliga ku hadasha u reebay.

Maadaama uu Dr. Cali sheikh inoo reebay dhaxal ummadeed oo ummadnimada kaalinaya. Dhaxaalkaas qaayaaha badan ee hore iyo mustaqbalkaba looga fa’ideysan karo hogatuska ummadnimo, hibooyinka halabuur, xorriyadda fekerka hufan iyo hirgelinta mabaadii’ida dadnimo ee sinnaanta, nabadgelyada guud, walaaltinnimada, maamulka suubban, nolol-wadaagga, horumarka, kalsoonida, is-ahaanta iyo badbaadada guud ee mujtamaca adduunka.

Suugaantu waa labeenta afka, Soomaalidu waxay u qirsanayd suugaanyahanka aftahamo, wax kastana wey u ogolaayeen. Tusaale ahaan waxaa la isku raacsanaa inuu suugaanyahanku ka mid yahay birmageydada iyo inuu todobadda quwadood ee ay bulshada reer miyga ku dhisnayd xubin buuxda ka ahaa: boqor caleema saaran, buuni shiikh ah, baxdow deeqsi ah, birjeex geesi ah, buurariix xidigiye ah, xeerbeegti iyo baane gabyaa ah. Si kale, suugaanyahanku wuxuu ugu jiray kaalinta indheerrgaradnimo.

U SAHMI ADOON RARIN oo ah tixda diiwaanka looga magac daray, wax ay ka mid tahay kuwa maansada soomaaliyeed ugu qaayo weyn uguna fikir iyo falsafad badan. Waa tix aan maalin walba meerisyo murtiyeed oo ka mid ah bulshada tusaale u noqon karta wax sheeg wacdi waano.

U sahmi adoon raarin waxaa ka mid ah:
Waxaan ahay nin dooroo

Dambi weyn sameeyoo
Dadku wada qaddariyaan.
Waxaan ahay dilaa weyn
Oo dumiyay Qarankiyo
Dalku wuxuu ku taagnaa.

Wax kastoon daneeyana
Dadku wuu i siiyaa
Iyagoon ka doodayn.
Dalka aniga yaa lehe
Kaan rabo markaan dilo
Way i daba galaayaan.

Haddaan dollar gaybshana
Dareenkooda yaan helay
Markaasay i doortaan!
Haddaad dili dadkaagiyo
Haddaad dumin dalkaagabe
Doqon adow habaystiyo
Mid habowsan baa tahay
Halis iyo dhib doortiyo
Shaqo aan hagaagayn
Aan haybsan karin guul
Jabkeeduna hubaal yahay.

Hoggaannimadu waa shaqo
Hadal aan waxqabad wadar
Hantaaq kaa ma saaroo
Hanti run ah ma keenoo
Hoos kugu ma deeqoo
Hab siyaaso wacaniyo
Nabad soo ma hooyee
Iska hubi hayaankoo
Haaneedku yuu lumin.

Iska hubi hankaagiyo
Hilinkaad maraysiyo
Himmadaadu meeshay
Haabhaabanaysoo
Higsanaysidood tagi
Geed hoos gabowliyo
Hawd wada barwaaqa ah
Dadku wada heshiis yahay.

Adoo hoos u wada dayay
Habka nolasha oo idil
Hadayaanka gaadkiyo
Haasaawe beenoon
Hal-abuurba curin karin
Yuu hodin naftaadoo
Mugdi halis ah kugu ridin
Hantaaq beena kuu godin.

Horusocod adoo huba
Inaad hayso maabkoo
Hubiyoo rogrogay con
Hurdin on riyoonayn
Male beena ku hadlayn
Hilinkaagu falanyahay
Himmaduna sax kuu tahay.

Horusocod adoo huba
Inay talo habboon tahay
Sahankuna hormuud yahay
Sahayduna hubaal tahay
Sabirkana horseed yahay
Oon hilmaamin dawgii
Dadku khayrka ka heleen
Iyagoo halgamay oo
Manhajkooda haystoo
Ku hanuunsan diinta
Habka nolosha kala wada
Marna lagu hungoobayn.

Horusocod adoo huba
Inaa guusha hanan kari
Ummaddana hoggaan u ah
Kana daalin howlaha
Dalka lagu hormarin karo
Lagu hagi dadkiisoo
Hoy nabad u noqon kara. Boggaga 22—23.
Tixado oo aad u dheer illa 154 ah halkana ku soo koobi karin tixda oo dhan darteed intaas ka soo qaatay.

Suugaantu wax ay dhadhan iyo macne u leedahay sida aad u dareemayso tilmaanta ay bixinayso iyo xaaladda ay ka warramayso. Wax aad si wanaagsan u garanayso iyo wax aadan tilmaanba ka haysan marka la kala sifaynayo isku si u dareemi maysid naftaadana u saamayn maayaan ereyada lagu kala cabbirayo qeexitaannadooda. Xaaladda aad ku sugan tahay waxii la xariira ee suugaan ah ayaa naftaada saamaynta u weyn ku yeelan kara dareen ahaan iyo fahan ahaanba.

Runtii tixdaan Dr. Cali sheikh ugu magac daray “Dood-wadaag” waa tix ka turjumeyso dood dhex martay dhalinyaro soomaaliyeed iyo dhulkood. Waxay faaqideysaa howla aad u muhiim ah ee laga seexday ama si ulakac loo dayacay. Waxayna tixdaan doodaheeda falsafadeed iyo fakirigeed isugu geynaysaa sidii xal waara loo heli lahaa, iyo hanaanka looga bixi karo afooyinkaas.

Intii aan ku guda jiray akhriska diiwaanka waa tixda iigu sameynta badneed runtii qiyamka, akhlaaqda iyo is-fahanka ay ka dhex abuureyso dhalinyarada iyo dhulkooda. DOOD-WADAAG waxay leedahay;

Dhallin iyo dhulkeedii
Waa dood dhex taalloo
Dhibta taalla falanqeyn
Dhaliilaha tusaalayn
Dhanka looga bixi karo
Ama lagu dhammayn karo
Yay dhirrigalin oo
Indho runa ku dhowrtaa
Noo soo dhawaysaa.

Dadweynoow dhammantiin
Ha la dhuuxo erayada
Dhabta nolosha hilin u ah
Oo yaysan kaa dhumin
Dhib-yaraanna kugu marin
Dhabta inaad abbaartaan
Waa dhumucda xooggiyo
Hanti aan dhammaanayn
Dhagan saxana kugu hagi
Dhibtana gayb yarayn kari
Waxay taasi dhaqan geli
Dhoohanaanta laga bixi
Dhallin tirar nogotoo
Dhulka madax ka noqon kara
Dhiirran con cabsoonayn
Cilmi dhabihi u hagi
Ka dhiidhiyi xumaantiyo
Dhaawaca xanuunka leh
Dhiiggeenna qubayoo
Dhimashada horseed u ah

Qaybta kowaad – farriin cabasho:
Haddaan ahay dhulkiinniyo
Dhabta hooyo oo runa
La’aantiis la wada dhiman
Dhallinyaro war ma ogey
Wixii dhacay ma maqasheen?

Dhibaatadu markay timid
Dhawaaq been ah uu baxay
Dhagihiinna lagu shubay
Waxaan khayr ka dhalanayn
Dhumuc weyne geedkii
Hoos qabow ka dhalan jiray
Dhamac naara lagu shiday
Dadku kala dhaqaaqeen
Dhawaaqaagu ma solin
Dheeftaada maan helin
Dhulkaagii inaan ahay
Oksijiinka kuu dhalin
Dhallinyaro ha moogaan.

Weedhu yay ku dhaafine
Ha furaysan dhagahoo
Dhab u gaado oo magal
Kuna dhaqan warkaygaas
Oo yuu ku dhinac marin.

Qaybta labaad – ka garaabid cabasho:
Dhulkii aan jeclaayow
Dhallintaadi baan nahay
Dhaacaanka naaskiyo
Dhiiggaagi baan jagay
Caanahaagi baan dhamay
Calooshaan hex jiifoo

Dhammaan waxaan u baahnaa
Adigaa dhamaystiray
Dhibyaraanna igu habay
Dhalashada horteedaba

Dhulkaygoow war iga maqal
Hordhac waan dhammeeyee
Dhallinyaro warkeediyo
Dhambaalkeed wuxu yahay:

Wax badan buu i dhinac maray
Dhawaagaaga diidoon
Dhagaha kaa furaystoo
Dhaawacaaga culus yo
Dhulgariirka xoogga le
Dheeldheel u gaatoon
Dhayalsaday farriimaha
Dhinacaaga ka imaan

Ha yeeshee wixii dhacay
Dhakhso yuu i taabtoo
Dhaawacay naftaydoo
Qalbiguu u dhaadhacay
Dhiigga xididdadisiyo
Sanbabbada dhammaantoc
Yuu sii dhix marayoo
Dhangaryana u gaystaa

Dhulkaygoow war iga maqal:
Waan soo dhakhsanayaa
Markaasaan dhaawacaagiyo
Boogahaaga wada dhayi
Dhagan xumada taallana
Dhakhso yaan beddelayaa
Nabad la isku dhaarsado
Yaa loo dhaqaagoo
Wax kastoo ku dhibi jiray
Dhibtaadana ka gayb galay
Yuu ku dhibin wixii tagay
Way dhammaatay taladood
Dhulkaygoow war iga maqal
Dhallintaada xoogga leh
Go’aan dhaba ayay fulin.

Dhakhso yuu ku meel
Marili dhiib kalsoonida
Waxaan dhigo warkiis maqal
Wixii kala dhantaalmee
Kala dhumay anaa jirin
Dhabba toosan wada marin
Haddaan ilka lay dhigin.

Boggaaga: 145, 146, 147, 148, 149. Mansadan oo aad u dheer waa todobo qeybood iyo hordhac tixda runtii oo sharraxeyso dooda dhulka iyo dhalinyrada.

Xoogga iyo xarragada maansada Dr. Cali sheikh tusaale kale ayaan uga dhigan karnaa Tixdaan “DOOD-WADAAG” oo uu ku gardaadiyay dood miisaaman ugu garnaqaayo dhalinta iyo dhulkooda. Tixdiisani waa ta ugu qiimi badan uguna tayo wanaagsan ee aan ilaa maanta arkay ee doodahada akhlaaqeed ay wadato.

Suugaanta iyo Shaqsiyadda Dr. Cali sheikh.

6-Qodob oo Asal u ah Suugaanta Dr. Cali sheikh Ahmed iyo Shaqsiyaddiisa. Intii aan akhrinay Diiwaanka abwaanka waxa iiga soo baxday lixdaan qodob.

B. Xilkasnimo: Dr. Cali Sheikh bulshada wuxuu u sheegaa  xil Gudasho iyo shaqo dhab ah in la qabto. In qof ku is ahaado oo uu gufeeyo kuna filnaado wixii hadba la gudboon.
T. Soomaalinimo: Suugaantiisa waxa dhuux u ah dhulka iyo dadka Soomaaliyeed oo uu la rabey inay ahaadaan mar kasta kuwa ugu fiican adduunyada.
J. Danaysi La’aan: In qofku isagoo aan lacag raadin, dhuuni raadin, guri dhiso is dhihin, si foolxun u noolaan in uu gudan karo waajibka ka saaran ummaddiisa. Taasna waxa tusaale u ah, asigoo dhalinyaro oo ahayd in dowladiisa siiso waxabarsho caafimad ay u diiday inuu deeqo waxabarasho uu ka helay dalka Sacuudiga ay ka hor istaagtay. Asiga oo waxaas oo dhib maray kadib nolol heer sare ku haysto Sacuudiga jaamacad macallin ka ah ayuu wuxuu go’aansaday burburkii ka dhacay dalka lagu kala qaxay inuu iftiin waxabarasho iyo dhismahii bulshada qeyb weyn ka soo qaatay. Ayadoo lagu xasuusto doorarkii nabadeynta iyo dib u heshiisiintii bulshada uu ku garab waday waxabarasho iyo soo saarid jiil cusub oo runtii miraheeda maanta la haayo.

X. Han iyo Halgan: Suugaanta Dr. Cali Sheikh waa mid han-weyn, dhaqanka u hanweyn, afka, diinta, iyo dalka, intaba u hanweyn. Sida uu shaqsi ahaan isula hanweynaa. Dhanka kale Dr. Cali inuu dhaliilo qaladaadkii waaweyn ee kacaankii falay waa u sharaf iyo karaamo tan ugu sarraysa. Halka raggii la midka ahaa ay u heesi jireen maligii-taliye dalkiisa illa maanta la il daran yahiin foolxumooyin uu falay. Waa la xasuusta dilkii 10kii culumo in uu ka qoray kutub aad u qiimo badan uu ugu magac daray الصومال وجذور المأساة الراهنة oo runtii ah kitaab laga tixraaci karo taariikhda dilka culumadii iyo musoobooyinkii kale.

Kh. Nabaddoon: Dr. Cali Sheikh shaqsi ahaan aqoon ahaan waxa uu sameeyey wax aan qof Soomaali ahi ku dhici karin xiligii ugu adkaa Soomaali ayuu dalka ku soo noqday asigoo maanka ku haayo in bulshado badbaado u bahaantahay gayiga soomaligana tagay socodaalo kala duwan ee nabadeyn, wacdi iyo wax sheeg. Heer uu gaarsiiyay in kuwii qurbaha tagay uu dalalkood ku booqda asigoo gudnaayo waajibkiisa ummada ka sarnaa. Sababto ah qurbaha duruufihii kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ka qabsaday ee ugu horeyso burburka qoyska dhaqan dooriska. Mar kasto iyo mdal kasto uu istaago wuxuu gudanaay waajibkiis kaga aadnaa ummadiis. Majiro qof Soomaali ah oo Soomaali isula raadiyey sida uu Dr. Cali Sheikh isula raadiyey xilligii ugu adkaa ee nafhurka u sameeyay.

R. Islaamnimo Barrax la’: Suugaanta iyo Shaqsiyadda Dr. Cali sheikh, waxay astan u yihiin Islaamnimada. Isagoo Dadka ku dhiirigalin jiray qiyamka diinta iyo akhlaaqda wanaagsan.

Maxaay ka baran karaan dhalinyarada suugaanta Dr. cali sheikh?

Suugaanta Dr. Cali sheikh waxay dhalinyarada hal’abuurka eebbe ku galladay u iba fureysaa inuu suugaan ku halabuuri karaa waa ineey hibadoodda ku laraan aqoonta casriga ah ee maanta dunida hagaysa. Taasi waxay keenaysaa in waxsoosaarkiisu noqdo mid saamayn yeesha oo meel dheer gaaro iyo in dadaalkiisu noqdo mid naftiisa iyo dunidaba waxtar u yeesha.

In loo gabyo sidii qarnigii la soo dhaafay oo ay farriintu noqoto wax aad og tahay ma kuu sheegaa waa iska wakhtilumis. Balse marka si farshaxan leh farriinta loo dhigo ee la soo mariyo buug, filin, masrixiyad iyo wixii la mid ah, waa dhab inay micno weyn samaynayso. Dunida maantu waa tii qalinka balse maaha tii hadalka.

Gebagabo
Buuggan waxa loo daabacay si cuddoon, iyada oo lagu daabacay warqado huruud ah oo indhaha u roon iyo jeldi nashqad ahaan soojiidasho leh. Dhinaca kale, waxa jira tixo kooban kooban oo aad u gaagaban aysan wax hordhac ah ka horeyn. Sideedba waxaa qurxoon in tixda ujeedeeda hordhac leedahay. In kasto tixaha badankood ujeedo iyo hordhac faahfaahsan ay leeyahiin ayaa kuwa kale ee hordhac laheyn ka xiiso badan. Waxa jira khaladaad dhinaca higgaadda ah oo buugga ka muuqda, walow ay yar yihiin. Sidoo kale dhammadka diiwaanka Waxaa kale oo jira labo tixood oo buugga ku soo noqnoqonaayo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top